| Webiga Jubba. oo Fatahaad Ballaaran ka sameeyay Deegaanada waqooyi ee Gobolka J/hoose. |
|
|
|
| Saturday, 13 March 2010 14:15 |
|
Sidoo kale webiga jubba ayaa waxa uu fatahaad ka sameeyay tuulooyin ku dhow dhow degmada Jamaame ee ka tirsan gobolka j/hoose waxana lagu soo waramayaa in biyaha wabiga ay buuxdhaafiyeen tuulooyin fara badan oo gaaraya ilaa iyo 5 tuulo oo hoostaga degmada Jamaame. Maamaulka xarakada alshabaab ee gobollada jubooyinka ayaa gurmad ballaaran u sameeyay dadkii uu ku soo fatahay webiga, goordhow ayaa waxa deegaanada uu webigu ku fatahay gaaray masuuliyiin ka tirsan maamulka Xarakada Alshabaab ee gobollada jubooyinka oo uu hogaaminayo gudoomiye K/xigeenka 1aad ee gobollada jubooyinka Sheekh Xuseen Cabdi Geedi, waxaana Sheekh Xuseen Cabdi Geedi oo uu la xiriiray Diirad.com sheegay in maamulkooda ay ku howlan yihiin sidii ay wax ugu qaban lahaayeen dadka uu webigu ku fatahay iyo weliba sidii ay u xiri lahaayeen goobaha uu webigu ka fatahay isagoona sheegay in ay tuulooyinka uu webigu ku fatahay ay gaarsiiyeen ku dhowaad ilaa iyo 2000 oo loorar Carro ah, kuwaa oo uu sheegay in lagu xirayo meelaha uu webigu kasoo fatahaay. Ma ahan markii ugu horeeysay webiga jubba uu fatahaad ka sameeyo deegaano ku yaal waqooyiga magaalada Kismaayo haseyeeshee marka laguda galo xilli roobaad ayaa webiga jubba waxa uu fatahaad ka sameeyaa guud ahaanba dhulka uu maro isagoona baabi’iya dhul beereed aad u ballaaran, sidoo kale fatahaada webiga jubba uu ka sameeya deegaanada waqooyi ayaa waxa ay ku soo beegmeysa xilli gobollada jubooyinka ay gacanta ku hayaan xarakada alshabaab kuwaasi oo gurmad ballaaran u sameeyay dadkii uu ku fatahay webiga Jubba. |
| Written by Diirad News Desk-Somalia |










Sida ay sheegayaan Wararka ka imaanayo deegaanada gosha ee dhanka waqooyi kaga beegan magaalada kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa waxa ay sheegayaan in webiga jubba uu sameeyay fatahaad aad u ballaaran iyadoona webigu uu ku fatahay ilaa dhowr tuulo oo ay kamid tahay Tuulada Kamsuuma oo la sheegayo in uu webigu uu ka fatahay ilaa iyo 3 meel islamarkaasina uu baabi’iyay dhul beereed aad u ballaaran.
Qeybi Maqaalkan