updated on:

Wednesday, February 1 2012

News   Warka  
US:Kuma jirna dagaalka lagu qadayo Shabab PDF Print E-mail
Saturday, 13 March 2010 07:39

Dowladda Maraykanka ayaa beenisay in gacan militari kaga qeyb qaadanayso dagaalada Dowladda KMG u qorsheysan in ay la gasho kooxaha islaamiyiinta ka dagaalama Koonfurta Soomaaliya.

Johnie Carson Kaaliyaha Arrimaha dibada ee wadanka Maraykanka oo saxaafada la hadlay ayaa been abuur ku sheegay in Dowladda Maraykanka gacan Militari siinayso Dowladda KMG dagaalada u qorsheysan,  gaar ahaan in ay dhanka cirka kaga qeyb qaadanayso duulaamadaasi.

“Arinta ahin aan  gacan Militari toos ah kaga qeyb qaadanayo Dagaalada ay Dowlada Soomaaliya lagali doonto Mucaaradka Islaamiyiinta ah waa been abuur lagu faafiyay warbaahinta caalamka ” Johnie Carson.

kaaliyaha ayaa beeniyey wararkaasi oo ay sheegeen qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Maraykanka kaasoo ahaa dowladda Maraykanka diyaar u tahay in ay kaga qeyb qaadato dagaalada dowladda KMG la galayso kooxaha islaamiyiinta.

Mr Johnie Carson ayaa tilmaamay in ay caawinayaan dowlada KMG oo ay u balan qaadeen Madaxweynaha Somaliya Shariif axmed laakiinw axa uu yiri wada tasho ayaa socdo qaabkii loo samata bixin lahaa xukuumadaasi .

hadalka Kaaliyaha Arrimaha dibada Johnie Carson ayaa ku soo beegmaya xili la hadal hayay duulaanka dowladda KMG in ay kaalin dhanka cirka ah ka siinayaan Ciidamada Maraykanka laakiin waxaa warkaasi oo dhan beeniyey Kaaliyaha Arrimaha Dibada Wadanka Maraykanka Johnie Carson.

 

 

Written by Diirad News Desk-Somalia