updated on:

Wednesday, February 1 2012

News   Warka  
Muqdisho oo saaka degan PDF Print E-mail
Saturday, 13 March 2010 07:12

Waxaa saakay degan Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya halkaas oo ay dagaalo ka socdeen sadexdi maalmood ee lasoo dhaafay kuwaas oo u dhaxeeya ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo kooxda Al-Shabaab.

Saakay ma jirin wax madaafiic ah ama rasaas ah oo ay is dhaafsadeen dhinacyada isku hayo caasimada inkastoo daqiiqad walba la filan karo dagaalo culus oo ka dhex qara labada dhinac.

Maadaama aysan saakay jirin wax dagaala ah ayaa waxa fursadaasi ka faa,ideysanaya qoysaski ay shalay iyo doraad u suurta gali weysay in ay qaxaan,waxaana saakay la arkayaa gawaari dhex yaaceysa Muqdisho iyo gaari dameero kuwaas oo ay ka buuxaan qoysas ka barakacaya Muqdisho gaar ahaan goobaha ay baryahan ka socdeen dagaalada.

Dagaalada Muqdisho baryahan ka socday ayaa galaaftay nolosha dad fara badan oo rayid ah halka ay cisbitaalada u jiifaan dad kor u dhaafaya 100 qofood oo ay waxyeeleeyeen madaafiicda goobta.

Dagaalki iyo duqeynti ugu danbeysay ee shalay ka dhacday Muqdisho waxa ku dhintay 3 ruux halka ay ku dhaawacmeen 21 kale.

 

Written by Diirad News Desk-Somalia