updated on:

Wednesday, February 1 2012

News   Warka  
Cudurka Shuban Biyoodka oo kadilaacay degaanada waqoyi ee magalada kismaayo PDF Print E-mail
Friday, 12 March 2010 13:48

Ku dhawaad ilaa& sadax ayaa u geeriyootay Cudurka shuban biyoodka oo lasoo sheegayo in uu ka dilaacay tuulooyinka dhanka waqooyi kaga began magaalada Kismaayo kuwaasi oo ay ka mid yihiin tuulada Buulogaduud, Baar sanguuni,Fagaan, Maanamuufo iyo tuulooyinka kale oo dhamaantoodba dhanka waqooyi kaga began magaalada kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Dad badan oo isugu jira caruur iyo dad waa weyn ayaa lugu soo waramayaa in ay la ildaran cudurka shuban biyoodka kuwaas oo dhamaaantod la soo gaarsiinayaa isbitaalka guud ee magaalada kismaayo oo asgu dhawaan laga furay qebtii lajiifin jiray dadka uu soo rito cudurka shuban biyoodka

Dr. Sheekh Cali oo ah Dhaqtarka guud ee isbitaalka magaalada Kismaayo ayaa sheegay in dad badan oo la ildaran cudurka shuban biyoodka la soo gaarsiiyay isbitalka magaalada kismaayo iyadoo dhamaan dadka lasoo gaarsiiyay uu sheegay in laga keenay deegaanada dhanka waqooyi kaga began magaalada kismaayo, waxa uuna sheegay in ilaa iyo haatan ay cudurka shubanbiyoodka u dhinteen ilaa sadax caruur ah oo dadoodu ay kahooseso shanta sano, halka ilaa 17 kale oo isugu jira caruur iyo dad waaweyn ay la ildaran kuwaa oo lagu daweynayo isbitalka guud ee magaalada kismaayo.

Cudurka shubanbiyoodka ee ka dilaacay guud ahaan gobalka jubada hoose gaar ahaana Deegaanada dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Kismaayo ayaa ku soo beegmaya xilli lagu jiro waqtiga kuleylaha oo aalaaba cudurka shuban biyoodku uu ka dilaaco qeybo kamid ah gobollada dalka Soomaaliya, waxa uuna sidoo kale cudurkan iminka ka dilaacay qeybo ka mid ah deegaanada ku yaalo waqooyiga gobolka j/hoose uu ku soo beegmayaa xilli qaar katirsan deegaanada ku yaal galbeedka gobolka j/hoose ay ka jiraan roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ku dhaqan gobalada jubooyinka


max,ed barre
kismaayo-soomaaliya


Diirad News Desk
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Written by Diirad News Desk-Somalia