| Faalo:Shirka beri u furmaya DKMG iyo Ahlusuna |
|
|
|
| Thursday, 11 March 2010 19:34 |
|
Kulankan ayaa waxaa durba'ba soo bilowday wafuud ka kala imaneysa gudaha Soomaaliya iyo dibada, waxaa kaloo la filayaa in ay Beesha Caalamka gaar ahaan wadamada daneeya arimaha Soomaaliya in ay si weyn uga soo qeyb galaan shirka. Wafuuda dowladda KMG u masaleysa shirka ayaa waxaa hogaamin doona Ra'iisulwasaare Cumar Cabdirashiid oo ay shirka ku wehlin doonaan wasiiro dhowra uu ku jiro Ra'iisulwasaare ku xigeenka dowladda Shariif Xassan Sheekh Aden oo caawa London ka amba'baxay, waxaa kaloo shirka ku wehlin doona wasiirka dib u heshiisiinta iyo wasiirka boostada iyo isgaardhsiinta. Halka dhinaca kale markii ugu horeysay ee ebed la arki doono in shirkan ay si wada jira u soo camiraan dhamaan gobolada dalka hogaamiyeyaasha urur weynaha Ahlusuna iyadoo shirkana lagu arki doono gobolo iyo magaalooyin aanan horey shirarkii hore uga qeybgali jirin kuwaas oo ay ka mid tahay Masagawaa iyo Ceeldheer Ahlusunada joogta, waxaa sidoo kale shirka wafuudiisa ka mid noqoneysa wafdi balaaran oo ka imanaya magaalada Muqdisho oo uu ku jiro Sheekh Soomow oo horey u dhaliilsanaa heshiiskii Itoobiya ee dowladda iyo Ahlusuna Waljameeca. Hadaba arintan ayaa dadka siyaasada u dhuun duleela oo ay diiirad.com la xiriirtay waxaa ay sheegayaan in heshiiska muhiimadiisa inta ay la egtahay in laga tusaale qaadan karo wafuuda sarsare ee labada dhinac ka kala imaaneysa iyadoo dhanka dowladda uu heshiiska u saxiixayo Ra'iisulwasaare Cumar Cabdirashiid oo runtii loo arko kursiga kaliya ee haatan gorgortanka ay Ahlusuna kula jirto dowladda in ay kaga hesho. Urur weynaha Ahlusuna Waljameeca ayaa oo kolkan muujiyay iskuduubni aan hore loo arag ayaa waxaa halkaasi ka baxeysa aragti horey saxaafada Soomaalida iyo wakaaladaha Wararku ay shaaciyeen oo lagu muujinayay in Ahlusuna ay dhow kooxood u kala jabeen iyagoo isku haya awooda cida sida rasmiga u masali karta, taas ayaa waxaa ay ka dhigeysaa ururkan mid aanan laga weecan karin dalabaadka iyo lahaanshiyaha xaqa ay ugu leeyihiin in ay masuuliyadaha sarsare wax ku yeeshaan. Dhanka kale waxaanu wada ogsoonahay muda'dii ay dowladda KMG ah ay jirtay in xaafado badan oo ay dowladii tan ka horeysay ay gacanta ku haysay maanta in aysan heysan iyadoo isugu soo ururtayna wadooyin kooban oo Muqdisho ku yaala halka urur weynaha Ahlusuna Waljameeca uu haatan yahay kooxda labaad ee dhul baaxadiisa ay aad u weyntahay gacanta ku haya marka laga reebo ururka Alshabab oo isna qeybo badan heysta. Heshiiskan hadii sida la filayo uu ku dhamaado waxaa ay dowladda cusubi noqon doontaa mid awood buuxda u yeelandoonta hanashada goobo horleh oo ay ka qaadaan kooxaha Shabab iyo Xisbul Islaam ee Koofurta Soomaaliya. Shirkan ayaa qaban qaabadiisa waxaa gacan xoogan ku leh ururka Midowga Afrika qeybtiisa Peace and Security Council, waxaana la filayaa gabagabada shirka ee maalinta heshiiska la saxiixayo in ay ku aado subaxa Sabtida iyadoo ay halkaasina kasoo baxdo heshiis rasmiya oo ay u wada dhan yihiin labada dhinac iyadoo ay goobjoogayaasha caalamkana xaqiijin doonaan in arintaasi ay ku najaxdo sidii la filayay. Wixii ka soo kordha wararkaas heshiisyada ah dhawaan kala soco shabakada diirad.com
Diirad News Desk This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
|
| Written by Diirad Desk |










Waxaa berito saacadu markay tahay tobanka subaxnimo magaalada Addis Abeba ka furmaya shirweynihii ay heshiiska ku kala saxiixanayeen Dowladda KMG ah iyo urur weynaha Ahlusuna Waljameeca qeybihiisii ugu xasaasisanaa ee awood qeybsiga, idoo uu shirkan noqonayo kii ugu weynaa maka laga soo tago shirkii hore uga dhacay Jabuuti ee ay heshiiska ku kala saxiideen Dowladda Federaalka iyo ururkii Dib u xoreynta ee uu hogaamiyaha u ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Qeybi Maqaalkan