updated on:

Wednesday, February 1 2012

News   Warka  
Cali Dhere :Taangiga AMISOM waa gubnay PDF Print E-mail
Thursday, 11 March 2010 12:39

Sheikh Cali dhere Afhayeenka Xarakada Alshabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho, isagoo ku faanay in Taangi ka mid ah kuwa AMISOM ay ku gubeen dagaalada Waqooyiga MUqdisho ka socda.

Cali Dheere ayaa carabka ku adkeeyay  in Taangiga AMISOM  ay la heleen waxyaabo qarxa oo ay u diyaariyeen Guutada qaraxyada, sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Taangi kale uu god uga dhacay, kadibna ay jiiteen.

"Mahad ALLE bee u sugnaatay kaasi oo sababay in aan ka gobno taangi cadowga AMISOM taasi naxdin beee u tahay dowlada ridada ah oo uu hogaamiyo Shariif iska dakxiis anaga ayaa dalka la wareegi doono " Sheikh Cali .

Waxa uu sheegay Afhayeenka in ay maanta taangiga kuq arxiyeen waxyaabo qarxa oo ay gacantooda ku sameeyeen kuwaasi oo lagu tijaabiyay ciidamada AMISOM waa ilaah mahadiisa sidaas ayuu yiri Cali dhere .

Cali dhere waxaa uu xusay in dagaalka uu wali socda, isla markaana dhinacooda wali ku sugan yihiin goobihii shalay ka qabsadeen, waxaana uu tilmaamay in Ciidamada AMISOM dagaalka soo geliyeen ilaa 20-taangi sida uu hadalka u dhigay.

Sheikh ayaa hoosta ka xariiqqay in Dowladda KMG ay ku fashilantay qorshaha dagaalka ay ka lahaayeen, waxaana uu cadeeyay in weeraro badan oo rogaal celis oo ay soo qaadeen ay dib ugu caabiyeen.

Dagaalaka Muqdisho wili wuu socdaa lama qaiyaasi karo goobaha ay hataan kala joogaan labada koox laakiin malmaha soo socdo ayuu kala cadaan doonaa dagaalka iyo kooxda la Eryo .

Written by Diirad News Desk-Somalia