updated on:

Wednesday, February 1 2012

News   Warka  
Duqeymo iyo dagaal dib u qarxay PDF Print E-mail
Thursday, 11 March 2010 11:52

Dagaalo xoogan ayaa saaka waabarigii markale dib uga qarxay qeybo ka mid ah W/magaalada Muqdisho kuwaasi oo sababay barakaca baahsan iyo qasaare nafeed .

Dagaalada ayaa xoogooda ka socanaya degmooyinkii shalay dagaalada ku dhex mareen ciidamo ka tirsan dowlada KMG ah AMISOM iyo xoogaga ka horjeeda ee ku yaala waqooyiga magaalada Muqdisho.

Tiro Madaafiic ah oo ku dhacday xaafado ka mid ah degmada Kaaraan ayaa la sheegay iy sababtay dhimasho iyo dhaawac aad u farabadan.

Ku dhawaad 10-ruux oo ay ku jireen carruur aad u da'yar ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen dagaalada iyo madaafiicda saaka dib uga soo cusboonaaday magaalada Muqdisho.

Sidoo kale 13-ruux ayaa iyana la sheegay in ay ku dhaawacmeen dagaaladaasi.

Dadkaan ayaa waxyeelada ugu badan waxaa ay ka soo gaartay madaafiic xoogan oo lagu garaacay xaafadaha dadka Rayidka ah ka dagan yihiin waqooyiga Muqdisho.

Dagaalada ayaa wali ah kuwo ka socanaya qeybo ka mid ah degmooyinka waqooyi ee gobolka banaadir.

War wixii ku soo kordha dagladani kala soco Diirad.com

Written by Diirad News Desk-Somalia