| Barakac balaaran oo Muqdiso ka socdo |
|
|
|
| Thursday, 11 March 2010 06:13 |
|
Dagaaladii shalay ka dhacay degmooyinka Waqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa sababay dhimashada in ka badan 20 qof iyo dhaawaca ku dhawaad 67 kale oo dhammaan dad shacab ahaayeen kuwaasoo madaafiic kula habsadeen xaafadahooda. Dadka ku nafta waayay madaafiicdaasi waxaa ka mid ah Qoys ka koobnaa 5 qof kuwaas oo Madfac kula habsaday xaafada Juungal Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho. Goobaha laga raaco gaadiidka BL-ka waxaa lagu arkayaa qoysas aad u fara badan oo ka barakacayaan xaafadahooda, kadib saamayn culus oo ay ku yeesheen dagaaladii iyo duqeymihii arxan darada ahayd ee shalay ka dhacday degmooyinka Waqooyiga Muqdisho. |
| Written by Diirad News Desk-Somalia |










Saakay barakac xoogan ayaa ka socdo qeybo ka mid ah Xaafadaha Degmooyinka Waqooyiga Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay shalay ku dagaalamen Ciidamada Dwoalda iyo Xarakada Mujaahidiinta Al-shabab .
Qeybi Maqaalkan