|
Qasaraha dagalka oo sii gordhay |
|
|
|
|
Thursday, 11 March 2010 05:31 |
|
Muqdisho oo saakay dagan iyo qasaarihii uu dhaliyay madaafiicdii shalay galab lagu garaacay xafado kamid ah degmooyina muqdisho oo haatan ka bilowday barakac baahsan .
Ku dhawaad 20 ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyootay 60 kalana dhaawac ayaa kasoo gaaray marki galabta si aan naxariis laheyn loo duqeeyey degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan ee Magaalada Muqdisho.
Duqeynta oo ay geesteen AMISOM iyo ciidamada Dowlada ayaa waxa goobihi ugu daraa ay ku dhaceen ka mid ah Suuq Bacaad iyo Juungale halkaas oo ay ku dhinteen 11 ruux oo rayid ah sida ay sheegayaan goobjoogayaasha.
Madaafiicda ayaa bilaabatay marki ciidamada AMISOM ay ku biireen dagaal maanta oo dhan ka socday dhinaca waqooyi ee Muqdisho kaasoo u dhaxeeyey islaamiyiinta iyo ciidamada dowlada iyadoo markaasi kadibna ay dowlada dib u qabsatay aaga Global.
Goobaha ugu daran ee lagu dhamaaday waxaa ka mid ah xaafada Juungale oo ay hal meel ku wada dhinteen 5 ruux marki uu madfac ku habsaday dukaan ay ku jireen.
Suuqa lagu magaacabo Suuq Bacaad ayaa isna gaari BL ah waxa ku hordhacay madfac hoobiye ah iyadoo ay ku dhinteen halkaasi 7 ruux isla markaana ay ku dhaawacmeen 11 kale sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.
Dhinaca kale waxaa caawa xasiloon goobihi ay dagaalada ka dhaceen maanta ee Muqdisho iyadoo labada dhinac ay kusoo kala laabteen goobihi ay awal kala joogeen.
Mashaqadaasi ayaa ka dhacday agagaarka xarunta Shirkada Qaran ee Suuq Bacaad waxaana dadki halkaasi ku sugnaa ay ka amakaageen sida ay wax u dahceen.
Sidoo kale goobaha galabta la duqeeyey ayaa waxaa ka mid ah degmada Kaaraan halkaas o la sheegay in ay ku dhinteen afar ruux,xaafada Arjintiin ayaa la sheegay in ay ugu darneyd meelaha la duqeeyey.
|
|
Written by Diirad News Desk-Somalia
|