| Shariif oo soo booqday Baarlamaanka Britain |
|
|
|
| Wednesday, 10 March 2010 07:26 |
|
Madaxweynaha dowladda KMG ah SHeekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa weli ku sugan dalkan Britain iyagoo marti u ah dowladda, hadaba Madaxweynaha ayaa kulamo la leh masuuliyiinta ugu sareysa. Madaxweyne Shariif oo lagu casuumay Baarlamaanka dalkan ayaa waxaa uu ku soo dhexwareegay gudaha Baarlamanka isagoo halkaasina kulamo kula qaatay intii uu ku sugnaa gudaha Baarlamaanka qaar kamida Xildhibaanada Britain. Sheekh Shariif ayaa ugu dambeyntii intii uu ku sugnaa Baarlamaanka waxaa uu kulan la qaatay Wasiirka Jaaliyadaha ee Britain Shahid Malik oo ah wasiir asal ahaan kasoo jeeda dalka Bakistaan ahna wasiir Muslima. Shariif iyo Shahid Malik ayaa ka wada hadlay xalada guud ee Soomaaliya waxaana uu sheegay in uu ku faraxsan yahay kaalinta ay Soomaalida ku leeyihiin dhaqaalaha iyo siyaasada dalkan Ingriiska iyagoona ka mida Muslim Community-ga Britain ayuu yiri. Wasiirka Jaaliyadaha ayaa Madaxweynaha sidoo kale uga sheekeeyay in ay jiraan Mashaariic lagu maal galinayo ururada Soomaalida Britain iyadoo arintaasina ujeedkeedu yahay sidii kor loogu qaadi lahaa ka dhex muuqashada bulsha weynta Britian iyadoo tira ahaana Soomaalida halkaan lagu qiyaasay 80,000.
|
| Written by Diirad Desk |











Qeybi Maqaalkan