|
Indha Cade :Bare Cali waxaa dilay Al-Shabab . |
|
|
|
|
Tuesday, 09 March 2010 18:49 |
|
Yusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Dowlada KMG Soomaaliya ayaa ka hadlay dil maanta loogu geystay Barre Cali Bare oo ka tirsanaa Saraakiisha Hogaamisa Xisbul Islaam.
Wasiiru Dowlaha oo horay uga tirsanaa Xisbul Islaam balse hada ka mid ah Golaha Wasiirada Dowlada KMG ah ayaa waxa uu ku eedeeyey dilka sarkaalkaasi in ay ka danbeeyaan Al-Shabaab.
"Arintaa waa arintii Maxaakiimta Suuqa Bakaraha looga saaray Waana Cadahay in Shabaab ay ka danbeeyaan dilka Barre oo ahaa nin la yaqaano waxana lagu dilay Masjidka abuu hureera Aktiisa , marka Al-Shabaab waa lagu yaqaanaa falalka noocaasi oo kala ah waana koox baneeysatay dhiiga umada oo dhan" Indhacade.
Mr Indhacade ayaa ugu baaqay kooxda Xisbul Islaam in ay la midoobaan dowlada KMG ah mar hadii Al-Shabaab ay u aqoonsatay koox murtadiin ah sida uu hadalka u dhigay.
"Xasan Dahir waxaan us heegayaa in uu murtad ka yahay dhanka Al-shabab oo dil lagu xukumay TFG-dana Murtad ayee dhaheen marka iyaga lee Muslim ah ee Iska dhacsha ma soo gala Villada si aad u badbadaan " Indha Cade .
Si Kastaba umuurta ha ahaatee Hadalka Indha Cade ayaa imaanaya xilli ururka Xisbul Islaam aysan wali ka hadlin dilka loo geystay Bare Cali Bare oo ahaa xubin muhiim ah oo ka tirsanaa ururkooda kaasoo oo manata lagu toogta gudaha Suuqa Bakaraha .
|
|
Written by Diirad News Desk-Somalia
|