|
X.Islaam oo baraya dilka Bare Cali Bare |
|
|
|
|
Tuesday, 09 March 2010 15:02 |
|
Saraakiil ka tirsan uruka Xisbul Islaam ayaa ka hadlay dilkii maanta gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho loogu geeystay Bare Cali Bare oo ka mid ah saraakiisha ururka Xisbul Islaam.
Sheekh Ibraahim Barre Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee ururka Xisbul Islaam oo dilka kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay falka dilka ah ee loo geeystay Sarkaalka ka tirsanaa Xisbul Islaam in ay baritaan ku wadaan cid ka danbeeysay dilkaasi .
Dhanka kale xoghayaha warfaafinta ee ururka Xisbul Islaam Sheekh Maxamed Macalin Cali oo isna ka hadlay dillka Sarkaalka ayaa sheegay in marka ay soo gabagabeeyaan aaska marxuumka faafaahin ay ka bixin doonaan .
Saraakiisha ururka Xusbul Islaam ee uu ugu weyn yahay hogaamiyahooda Xasan Daahir Aweys ayaa ku balansan kulan ku aadan cida dusha laga saari lahaa dilka Bare , iyadoon qaar ka mid ah saraakiisha xisbul islaam ay ku dhow yihiin in ay daaha ka qaadaan in dilka sarkaalka ururka Al Shabaab uu ka danbeeyo.
Bare Cali Bare ayaa waxa uu magaciisa soo ifbaxay xiligii ciidamada Ethiopia ay la dagaalamyeen kooxa Muqaamawada kaasi oo ahaa afhayeenka kooxda Raaskanbooni oo kamid aheed kooxda Xisbul Islaam .
Bare Cali Bare ayaa dhowaan waxa uu ka badbaaday weerar bambaano, xili maalmaha weerarka ka hor uu si aad ah uga soo horjeestay ku biirita Xasan Turki Xarakada Al Shabaab.
|
|
Written by Diirad News Desk-Somalia
|