updated on:

Wednesday, February 1 2012

News   Warka  
Xarakada Al-Shabaab Ee Gobbalada Jubbooyinka Oo Maanta Heshiid Hordhac Ah La Galey Beesha Sadde. PDF Print E-mail
Tuesday, 09 March 2010 10:24

Ayadoo  maalmahii ugu dambeesey masuuliyinta  sarre ee maamulka  xarakada shabababul ee gobblada jubbooyinka  ay kulamo xasasi ay la qaadayeen dhamaanba beelaha dega gobbalada jubbooyinka ayaa hadana  shaley galinkii dambe qurax licii   ayaa waxaa uu hishiis hordhac ah ku dhexmarey gudaha magaalada kismayo  maamulka kismaayo iyo waliba  Beesha Sadde oo iyagu kamid ah  beelaha dega   gobbalada jubbooyinka.

Afhayeenka beesha Sadde Cabdi Warsame Gurux oo  hishiiskaasi kadib la hadlayey  warbaahinta  ayaa waxaa uu sheegay in maanta ay heshiis ay gaareen beeshiisa iyo  maamulka  xarakada Al-shabaab ee jobbooyinka waxuuna afhayeenka sheegay in  waxii maanta ka dambeeya   ay beesha  Sadde ay garabtaagantahay islamarkaana ay taageersantahay wilaayada islaamiga  ee gobbalada jobbooyinka.

Sidoo kale gudoomiyaha maamulka cusub ee gobbalada  jubbooyinka sheikh   Abukar Cali Aadam  ayaa isna sheegay inay heshiis la galeen  beesha Sadde wuxuuna gudoomiyaha sheegay in beesha Sadde ay ka mid tahay beesha sida aadka ah ugu soo dhaweesey gobbalada jubbooyinka wuxuuna sheikh Abukar cali uu  ka sheekeyey taariikhda beesha Sadde asgoona tusaale u soo qaatey dagaalkii 1994 ka dhacay gobbalka Gedo ee  u dhaxeeyey Ururka altaxaad iyo ciidamada Ethopia.

Sikastaba ha ahaatee  heshiiskan ay maanta gaareen maamulka kismaayo iyo Beesha Sadde ayaa wuxuu imaanayaa  xili mudooyiinkii ugu dambeesey ay beelaha dego  gobbalada jubbooyinka ay heshiis lagalayeen maamulka Al-shabaab ee  magaalada kismaayo  ayadoona beesha Saade ay noqonayso beesha 5aad ee heshiis kala  saxiixdaan maamulka xarakada Al-shabaab ee kismaayo, waxaana beesha Sadde horey uga horeeyey beelaha Harti, Absame,  Coormale, Gaaljecel kuwaasi  dhamaantooda wada galey heshiis ceenkaan oo kala ah.


Maxamed Barre
Kismaayo-soomaaliya

Diirad News Desk
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

 

 

 

 

Written by Diirad News Desk-Somalia