| Indha Cade:Shabab Odayasha ayee u dhaarten |
|
|
|
| Tuesday, 09 March 2010 08:28 |
|
Mr Indha Cade ayaa sheegay in Shabaab aysan wax wanaag ah u hayn beelaha Somaliyeed balse ay cadaadis iyo caga juglayn hubka iyo dhaqaalaha ugala wareegaan. Indha Cadde ayaa tilmamay in ay jiraan Beelo aan metelin dadkooda oo hub iyo dhaqaale siiya Shabaabka laakiin inta badan waxa ay ku heetsaan ayuu yiri xooga iyo qori caradiisa . “Shabab waa la yaaqaaan Odayasha waxa ay ku dhahaan qoortiina ayaa u maqan hadaad radiyaha ka hadli wyesaan oo aad us heegi weydaan in aan wada hishiinay , xoog ayay hubka uga aruursadaan beelaha Soomaaliyeed" Indha Cade . Indha cadde wuxuu uga digay beelaha kale ee damacsan in ay Hubeeyaan Shabaab in ay ka waantoobaan oo aysan faraha lagelin siyaasadda Somalia “beelaha degan bay,Bakool, Jubbooyinka ,Gedo iyo qaybo gobalada dhexe waxaan leeyahay Mooryaan diimeedka shabaab waxba idiin faa’iidayn maayaan yaysan idin wasakhayn”Indha Cadde. Mr Indha Cade oo u muuqday in uu ka xanaaqsanyahay Heshiisyada Shabaabku ay lagaarayaan Beelaha dego Koonfurta ayaa ugu dambayn sheegay in dowlada KMG ah ay maamuladeeda gaarsiin doonto gobalaa dalka bilaha soo socda lana xisaabtami doonaa beelaha la hishiiya Shabab . Ugu danbeentiiw axaa uu ugu baaqay kooxda Shabab iyo afhayeenkooda in ay Madaafiicda ka dayaan dadka Masaakiinta ah ee u baralacay deegaanada Duleedka Muqdisho kuyaala oo qax saka ka bilowday . |
| Written by Diirad News Desk-Somalia |










Wasiiru Dowlaha wasaaradda G/dhigga dowlada TFG-da Wasiiru Dowlaha wasaaradda G/dhigga Yuusuf Maxaed siyaad Ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii Afahyeenka Al-shabab ee ahaa in beelaha Somaliyeed dhamaan hishii ay la gaareen Shabab .
Qeybi Maqaalkan