updated on:

Wednesday, February 1 2012

News   Warka  
Barakac Cusub PDF Print E-mail
Tuesday, 09 March 2010 07:37

Qoysaska barakacayaasha ee ku sugan deegaanka Garsbaaley iyo KM-13 ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa bilaabeen in ay halkaasi ka sii barakacaaan kadib markii gabaldhicii shalau galab halkaais lagu garaacay madaafiicda loo yaqaano BMka .

Waxaa Saakay barakac xoog leh laga dareemayaa in uu ka bilowday deegaanka Garsbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho kadib dadka deeganakaasi markii ay ua dkeesan wayeen duqeynta joogtada ka noqotay halkaasi .

Madaafiicdii shalay galab halkaais xku dhacday ayaa dhaliyay qasaaro nafeed kadib markuu madfac ku habsaday guri ay dagnaayeen qoysas barakacayaa ah halkaais oo ay ku dhimteen 4 ruux oo kamid ahaa dadka maskiinta ah ee halkaais u qaxay .

Dadka deegaanka Garsbaaley waxaa soo foodsaaray cabsi iyo walwal xoogan kadib markii qoysas faro badan oo halkaasi degenaa ay habeenkii xalay bilaabeen in ay ka barakacaan guryihii Cooshada ahaa ee ugu yiilay deegaankaasi .

Si kastaba ha ahaatee Madaafiicdii xalay ila aiyo shalay deegaanadais ku dhacayay yaa yimid kadib madaafiic dhoor ah oo ay kooxaha Mucaradaka ku weerareen ciidamada nabad ilaalinta u jooga Muqdisho ee AMISOM .

Written by Diirad News Desk-Somalia