updated on:

Wednesday, February 1 2012

News   Warka  
Al-Shaba oo ka hadaley Safarka M.Shariif PDF Print E-mail
Monday, 08 March 2010 14:49

Sheikh Cali dhere Afahayeenka Xarakada Al-shabab  ayaa manta ka Hadley safarikii uu madaxweyne shariif ku gaaray dalka Inkiriiska iyo hishiika Ahlu sunah ay lagahsay TFG-da  .

Afhayeenka waxa uu ku tilmamay dowlada Inkiriiska in ay tahay dowlada soo barbaarsaday Madaxweyne Shriif islmarkana abaabusha weerar kasta oo ka dhan ah Mujaahidiinta Caalamka ku nool  waa sida uu hadalka u dhigay Cali Dhere .

" Kolay Inkiriis iyo Mareekan Mujaahidiinta kama baqanayaa haduu aaday Shariif Inkiriiska waaxaan ka sugaynaa waxa ay soo siiyaan oo saanad ah shacabka waxaan u sheegayaa in aysan ku kadsoomin bootada ay wadaan Inkiriiska iyo Mareekanka Mujaahidiinta waadiyaar " Cli dhere .

Dhanka kale waxa uu ka hadalayay heshiiski la shegy in uu dhexmarey Ahlu Sunah Waljameco iyo dowlda ee Adis Ababa lagu soo gaba gabeeyay kaasi oo ku tilmamay mid ay Ethiopia kula soo hishiisay Dowlada uu hogaamiyo shriif gumaadka Shacabka somaliyeed .

" Ahlu Suna ayee dadka sheegaan anaka ayaa ah Ahlu sunah Mooryaanta sheegatay Ahlu sunah waa hogaamiye kooxeedyadii la yaqanay iyo qolyo qabiil riixaya oo Ethiopia gacan siiso marka  ciidamad Mooryaantaasi iyo kuwa shariif 100 Mujaahidiinta ah kuma daaan " Cali dhere .

Waxaa kale oo uu shegay Sheikh Cali dhere in dagalada ka dhacey Degaanka Dhoobley laga soo Abaabuley Kenya kaas oo markasta laga soo qaado hadana la geeyo dhawacyada ka soo garara xoogaga ka soo horjeeda Shabaabul mijaahidiin ee gobolada jubbooyina.

WFP ayuu ayadana ku shegay mid aan loo ogaley haba yaraatee in ay shaqeyso Dhilka maamulkooda uu ku suganyahey ayna sidii hore ee amarka loo saareyay wali ula macamilayan dadkuna ay Aaminan wax soorka dhulka beeraha ah kana fa'iideystaan xiliga Guga.

Ugu danbeentii Afhayeenka Al-shabab Cali dhere waxa uu ugu baaqay Umad Islaamka gaar ahaan shacabka somaliya in ay u diyaar garoobaan diyaradaha iyo duulaanka kaga imaan doona dowlada Mareekanka iyo Ethiopia waa sida uu hadalka u dhigay .

Diirad News Desk
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Written by Diirad News Desk-Somalia