updated on:

Wednesday, February 1 2012

News   Warka  
Saddex qof uu ku dhimatey Roobab lixaad leh oo ka da'ay galbeedka gobbalka Jubbada Hoose PDF Print E-mail
Monday, 08 March 2010 08:19

Afar iyo labaantan saac  oo ugu dambaysey ayaa roobab mahiigaan ah islamarkaana wata onkod xoogleh  waxa ay ka da’ayeen deegaanka dhoobley iyo  nawaaxigeeda oo katirsan gobalka  jubbada hoose.

Roobabkani oo da’ayey shaley ilaa  iyo  xaley saqdiii dhexe ayaa waxaa lagu soo warmaayaa inuu   biriqdii ama jacdii uu watay roobabkaasi ay ku dhinteen ilaa saddex qofood oo dhamaantood ahaa haween si wayn ah looga yaqaaney deegaanka dhoobley ee dhacda cirifka galbeed ee  gobbalka jubbada hoose, waxaana midkamid  ah   haweenkii dhimatey ay ahayd ilmooley sida diirad.com u xaqiijiyey mid  kamid ah dadka deegaanka.

Roobabkani imanka ka curtey guud ahaanba dalka soomaaliya ayaa waxaa la sheegayaa inay  ay yihiin  kuwo ka soo hormarey xiliyadii ay di’ijireen iyadoona roobabkani ay ka mid yihiin raxmada uu Eebo  umadiisa ku manaystey .

Waxaan roobabkani shaley ilaa iyo xaley ka da’ayey guud ahaanba gobblada jubbooyinka gaar ahaana  galbeedka gobbalka jubbada hoose si wayn u soo dhaweeyey  dadka xoolo dhaqatada ah ay  nool gobbalada jubbooyinka  kuwaa soo ka cabsanayey in xoolaha yar ee u  harey ay kaga leedaan ama kaga dhintaan xiliga jiilaalka kahor inta ay san hoorin dhibicda roobka dhulkana wuu wada noqdo mid doog ah ama aaran ah.

 


Maxamed Barre
kismaayo-soomaaliya

Diirad News Desk 
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

Written by Diirad News Desk-Somalia