|
Reer London oo sugaya Madxweyne Shariif |
|
|
|
|
Monday, 08 March 2010 05:54 |
|
Qaban qaabo balaaran oo lagu soo dhoweeynayo Madaxweynaha Dowlada KMG Soomaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa ay ka socotaa magaalada London ee Dalka Ingariiska iyadoona lagu wado in saacadaha soo aadan Madaxweyne Shariif iyo wafdi la socda ay gaaraan Dalka Ingariiska. Maddaxweynha Soomaliya ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya Wasriiro ka tirsan Xukuumada Soomaaliya kuwaasi oo ay ka mid yihiin , Wasiirka Armaha Dibada Cali Jamac Jengeli, Wasiirka Maaliyda Sharif Xasan Sheekh Aadan iyo Wasiiro kale. Waxaa lagu wadaaa in Madaxweynaha safarka uu ku gaarayo saacadaha soo socdaDalka Ingariiska uu qaato mudo Seddex cisho ah , waxaa uuna kulamo la qaadan doonaan Ra,iisul Wasaaraha Dalka Biritin Gold Brown iyo sidoo kale Jaaliyada Soomaalida ee ku nool Dalkaasi. Ra,sul Wasaare ku xigeenka ahna wasiirka kaluuleeysiga iyo Kheeyraadka Bada Pro: Ibbi oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweynha Shariif Safarkiisa in uu ka danbeyey casuumaad uu ka helay hogaanka sare ee dalka Ingariiska. Inkastoo aan la ogeeyn waxyaabaha labada masuul ay ka wada hadli doonaan ayaa hadana waxaa lagama maarmaan ah in laga wada hadlo lamanayash Burcad Badeeda ay aftuubka u heeystaan iyo xalada hataan ka taagan Somaliya .
kala soco Boqoshada Madaxweyanha ee London Diirad.com
|
|
Written by Diirad News Desk-Somalia
|