updated on:

Wednesday, February 1 2012

News   Warka  
Waxgaradka Hawiye oo ka degay dagaal PDF Print E-mail
Sunday, 07 March 2010 14:50

Wax garadka beesha Hawiye ayaa wal wal iyo wlaac ka muujiyay dhaqdhaqaaqyada kajira Muqdisho kana codsay qolyaha doonaya in ay mardhow ku dagaalama caasiamda Muqdishu in la joojiyo dirirta .

Shir jaraaid oo ay maanta qabteen Odayasha Beelaha Hawiye ayay ku sheegeen in ay ka xunyihiin dagaalada wali ka sii soconaya magaalada oo ay saameynta ugu xoogan ku heyso dadka rayidka ee aan waxba galabsan.

Afhayeenka Axmed diiriye ayaa  ugu baaqayaan labada dhinac ee isku heysta magaalada Muqdisho in ay joojiyaan dagaalka si loo hela xal waara oo ay ku diirsadaan dadka soomaaliyeed.

2007 wixii ka danbeeyay kolkaa oo ay soo galeen dalka ciidamadii Ethiopian-ka ayaa waxaa dalka uu galay xaalad dagaal oo uu soo maray ilaa dhowr maamul ilaa ugu danbeyntii kooxihii Islaamiyiinta ay isku afgarteen in ay hogaan mideysan ay sameystaan.

waxaana la qiyaasay in dagaaladaasi ay ku geeriyoodeen in ka badan 1/2milyan ruux soomaali ah sida ay sheegeen hey'ada qaramada midow ee ilaa xiligaa ka howlgalayay dalka Soomaaliya.

Written by Diirad News Desk-Somalia