updated on:

Wednesday, February 1 2012

News   Warka  
Madaxweyne Shariif oo u dhoofay London PDF Print E-mail
Sunday, 07 March 2010 14:16

Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa barqadii manata  ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Wufuudani ayaa ku sii jeeda dalka Ingiriiska oo booqasho rasmi ah uga bilaaban doono, hase yeeshee waxaa uu Madaxweynuhu ku hormari doonaa Magaalada Nairobi oo taransit ahaa uga gudbi doono.

Booqashada Shariif ku tagayo cariga Ingiriiska ayaa ah tii u horeysay, waxaase ay u tahay fursadiisa labaad maadaama uu booqanayo dalkii labaad ee codka qaxiyan ku leh Golaha Ammaanka.

Madaxweyne Shariif ayaa ahmiyada saari doono sidii Dowladda Ingiriiska ugu heli lahaa, taageero caalami ah, isagoo taasi kaga faa'ideysanaya dadaalka ay dowladiisa ugu jirto sii deynta Lamanayaasha u dhashay dalka Ingiriiska.

Sidoo kale waxaa uu kula kulmi doonaa inta uu booqashada ku joogo Ingiriiska David Milliband oo ah wasiirka arrimaha dibada Ingiriiska iyo saraakiil kale, iyadoona Kumanaan Soomaali ah uu kula hadli doono magaalooyinka Birmingham iyo London.

Dowladda Ingiriiska ayaa dhowaan mamnuucday Kooxda Al-Shabaab oo dagaal ba'an kula jirta Dowladda uu hogaamiyo Shariif, iyadoo go'aanka Ingiriisku Madaxweynuhu soo dhoweeyay

Diirad News Desk
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Written by Diirad News Desk-Somalia