| Alshabab iyo Beesha Harti oo heshiis hordhac ah wada gaarey |
|
|
|
| Sunday, 07 March 2010 10:07 |
|
Kulankani ayaa waxaa hishiis hordhac ah ay kuwada galeen maamulka xarakada shaababl ee gobblada jubbooyinka iyo waliba beesha harti oo kamid ah beelaha waa wayn ee dega gobalada jubbooyinka kasoo oo si rasmi ah u gaarey hishiis hordhac ah. Madaxa siyaasada xiriirka gobblada ee xarakada alshabab Sheikh Xuseen Cali Fiidow oo isagu ku sugnaa madasha uu heshiiskaasi ka dhacayay ayaa Diirad.com uga warbixiyay hishiiska ay gaareen xarakada alshabaab iyo beesha harti waxaan fiidow uu sheegay in hishiis hordhac ah ay gareen beeshaasi. Sidoo kale gudoomiyaha beesha harti Cabdi Baashi Cali oo isna ka Hadley goobta uu hishiiskaasi ka dhacayey ayaa sheegay in hishiis la galeen Maamulka Xarakada alshababa ee jubooyinka asagoona sheegay in waxii maanta ka dambeeyo ay diyaar u yihiin in hiil iyo hooba la garab istaagayaan xaradaka Al-shabaab. Sikastaba ha ahaatee hishiikan ay maanta gaareen maamulka xarakada alshabaab iyo waliba beesha harti ayaa waxuuu imaanayaa xili mudooyinkii ugu dambeesey ay kulamo xasaasi ah qaadanayeen masuuliyiinta xarkada alashaab iyo waliba beelaha dega gobblada jubooyinka waxana kulamadaasi ay u muuqdaan mid xarkada alshabab ay ku doonayso inay ku hantaan kalsoonida dhamaanba beelaha dega gobblada jubooyinka.
|
| Written by Diirad News Desk-Somalia |










Kadib kulan mudo 3 maalmood soconaye masuuliyiinta sarre ee xarakada Al-shabaab mujaahidiin ee ku sugnaa gudaha Magalaada kismaayo iyo waliba beel kamid ah beelaha dega gobalada jubooyiinka ayaa shalin galinkii dambe qoraxdhicii lagu soo gabagabeeyey gudaha magalaada kismaayo ee xarunta gobalka jubbada hoose ,
Qeybi Maqaalkan