|
Ahlu Sunah oo taageertay TFG |
|
|
|
|
Saturday, 06 March 2010 19:42 |
|
Masuuliyiin ka tirsan Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa si weyn u ayiday heshiis qabya ah oo ay dhawaan dowlada KMG ah kula gaareen Magaalada Addis-Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.
Xubanahan oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxa ay soo saareen qoraal saxaafadeed ay si aad ah ugu taageereen heshiiskaasi iyaga oo soo jeediyey talooyin ku aadan hergelinta heshiiska.
Qoraal saxaafadeedka oo nuqul ka mid ah lasoo gaarsiiyey xafiiskaDiirad.com ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ugu muhiimsanaa taageerida Ahlu Sunna ee heshiiskaasi,iyadoo warkana uu noqonayo kii ugu horeeyey ee ay Ahlu Sunna ku shaaciso jiritaanka heshiiska ama ay ku taageerto.
Qodobada heshiiska oo ay ku saxiixnaayeen Sh Cumar Maxamed Farax,Sh Ibrahim Xaaji Ibraahim iyo Sh C/qadir Somow ayaa waxaa ay ka koobnaayeen afar qodob oo kala ah.
1-Ahlu Suna meel kasta oo ay joogto iyada iyo dowlada waxa ka go,an in ay meel uga soo wada jeestaan kooxaha nabad diidka ah sida Shabaab iyo Xisbul Hubal.
2-Ahlu Suna waxay si buuxda u taageerayaan heshiiski Addis-Ababa 13-ki bishi Febraury,waxaana ay soo jeedineysaa in heshiiska la meel mariyo.
3-Ahlu Suna waxay shacabka ka codsaneysaa in ay gacan ka geystaan meel marinta heshiiskan.
4- Ahlu Sunna beesha caalamka waxay uga mahadcelineysaa taageerada ay umada Soomaaliyeed ka siineyso gargaarka.
Culimadaan maanta qoraalka soo saartay ayaa ah kuwo saameyn ku leh Ahlu Sunna,waxa ay shalay la kulmeen madaxweynaha dowlada KMG ah Shariif Sheekh Axmed.
|
|
Written by Diirad News Desk-Somalia
|