|
Saturday, 06 March 2010 08:45 |
|
Dowlada KMG Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday in ay cafis u fidisay 14 maxaabiis ah oo mudo ka badan hal sano ku xirnaa xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho.
C/raxmaan Janaqow Wasiirka Cadaalada dowlada KMGS oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in maxaabiista la sii daayey ay ahaayeen dad awalba si qaldan loo soo xiray laguna waayey wax danbi ah.
Wasiirka waxaa uu tilmaamy in maxaabiistan la xiray xiligi ay Muqdisho ka talineysah dowladi uu madaxda ka ahaa C/llaahi Yusuf Axmed Madaxweynihi hore ee Soomaaliya ilaa iyo hadana ay isaga jireen xabsiga maxkamad la,aan.
"Marki aan imaanay magaalada Muqdisho oo dowladan cusub ay xilka la wareegtay saraakiisha Xabsiga waxay noo soo gudbiyeen 14 maxbuus,dadkaasi waxa ay ahaayeen kuwo si qaldan loo soo xukumay,waaana lagu soo qabtay is qab qabsigi hore ee ku saleysnaa qilaafki dowladi hore iyo ARS-ta,hada waa sii deynay." ayuu yiri Mr Janaqow.
Wuxuu sheegay in qaarkood si qaldan oo cadaalad darri ah loo xakumay halka qaar kalana ay isaga jireen xabsiga.
"Madaxweynaha ayaan u geynay wuxuuna ogolaaday sii deyntooda,waxaan siinay cadaalad sax ah,kuwa kale ee hada xabsiga ku jirana waan xakunay waliba si cadaalad ah" ayuu intaasi sii raaciyey C/raxmaan Janaqow.
Hey'adaha Garsoorka dowlada KMG ah ayaa hada si caadi ah u shaqeeyo waxaana ay si KMG ah ugu shaqeeyaan Maxkamada Gobolka Banaadir oo ku taalo degmada Xamar-Weyne ee Magaalada Muqdisho.
Hey'adaha garsoorka ayaa hada ku shaqeyo maxkamada gobolka Banaadir ee degmada Xamarweyne.
|
|
Written by Diirad News Desk-Somalia
|