updated on:

Wednesday, February 1 2012

News   Warka  
TFG-da oo sheegtay qaabka loo xalin karo MUcaradka PDF Print E-mail
Saturday, 06 March 2010 07:00

C/Raxmaan Cumar Cismaan ( Injineer Yariisoow) Wasiirka Lacagta Dowlada KMG Soomaaliya oo la hadlay saxafada ayaa sheegay in dowlada KMG ay sii wadi doonto dadaalada ay kula xaajooneeyso kooxa ka jira Soomaaliya.

Waxa uu sheegay wasiirka in ururka Xisbul Islaam uu yahay urur siyaasadeed islamarkaana ay u baahan yihiin in ay la heshiyaan dowlada KMG hasa ahaate qas ay dhaxawadaan ururukaasi kooxda Al Shabaab .

“ Xisbul Islaam waa dad jecel calanka Soomaaliyeed diyaarna waa u yihiin in ay dowlada la heshiyaan laakin Al Shabaab ay qas ka dhaxwado oo ishortaagaya is fahamka dowlada iyo Xisbul Islaam” ayuu yiri Eng: Yariisoow.

Sidoo kale Wasiirka Lacagta dowlada KMG Soomaaliya ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab dhamaan ay kawada mideeysneeyn moowqifka ku aadan Soomaaliya, waxa uu sheegay in dadka dagaalamo intooda badan wadaniyada ay ku danbeeyso hasa ahatee waxa uuu sheegay in dadka dhibka wada ay yihiin kuwa Ajaaniibta ah iyo sidoo kale kuwa Soomaali ah oo la marain qaloociyey.

Wasiirka ayaa sheegay in dowlada KMG marnaba ay ku deg degi doonin talabo meleteri ee ay qaado,waxa uuna xusay in dagaal ka dhaca Dalka uu dhibaato u soo jiidyo shacabka Soomaaliya ,islamarkaana dowlada aysan raali ka ahayn daadashada dhiiga shacabka Soomaaliyeed ayuu yiri .

Ugu danbeeyntii Wasiirka ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya dadaal ay u gashay in uu isfaham dhaxmaro iyaga iyo Ahlu Sunna Waljamaaca, waxa uuna tilmamay in heshiis hordhac ah Adis Ababa kuwada gaareen dhowaana heshiis rasmi ah ay kala saxiixan doonaan.

Written by Diirad News Desk-Somalia