|
Boqore:Ethiopia way aqbashay xoriyada Xildhibanada |
|
|
|
|
Saturday, 06 March 2010 06:24 |
|
Baarlamaanka KMG Somaliya ayaa sheegay in dowlada Ethiopa kala hadaley sii daynta Labada xildhibaan ee ku xiran ismaamulka Somalida Jigjiga .
Ciismaan CiliMi Boqore Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka KMG Soomaaliya oo saxafada la hadlay ayaa sheegay dowlada KMG in ay Ethiopi kala hadashay in la soo daayo Xildhibanada islamrkaaana dowlada Ethiopi ay aqbashay. Sidoo kale waxa uu sheegay Xildhibaanada in ay la xiran yihiin saraakill ka tirsan dowlada , waxa uuna tilamaamay in loo xiray wax yaalo lagu tuhmay islamarkaana wax lug ah aysan ku lahaayn. Hadalkaan Gudoomiye ku xigeenka Labaadee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa imaanaya xili Xildhibaano iyo saraakill ka tirsan dowlada Soomaaliya lagu xirxiray dhulka Ismaamulka Soomaalida Ettiopia .
|
|
Written by Diirad News Desk-Somalia
|