updated on:

Wednesday, February 1 2012

News   Warka  
X.Daahir:Axmed Madoobe waa X.Islaam PDF Print E-mail
Friday, 05 March 2010 14:23

Sheilh Xasan Daahir Aweys hogaamiyaha kooxda X.Islaam oo maantay Boqolaal qof kula hadlay Masaajidka Abuu Hureyra salaadii jimcaha kadib ayaa shaagay in uu Axmed Madoobe ka tirirsan yahay Ururkiisa ee X.Islaam .

Mr Aweys ayaa tilmaamay in Xasan Turki uusan la tashan ku biiristiisa Al-Shabab , waxaana uu wax laga xumaado ku tilmaamay in Xizbigii uu aas aasay uu meel cad uga tago oo xitaa iska dhuumtay waa sida uu hadalka u dhigay

"Waa arin laga xumaado in Xasan Turki uu baqdo oo uu ka baqdo Ilmo uu soo tababaray waa shababka walaahi maalin isma dhihin Xasan Turki baa ka baqanaya shabab oo isku dhiibi doono "ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys

Dhanka kale waxa uu u jawaabay Sarkaal ka tirsan Xizbul Islaamka Gedo oo horay u sheegay in uu Axmed Madoobe katirsanen Xisbiga waxa uuna ku tilmamay sarkaalkaasi nin iska hadlay oo ka baqday Shabab .

" Waxaan u sheegayaa Shacbaka in uu Asmed Madoobe yahay Mujaahid kamid ah Mujaahidiinta Xisbul Islaam wiliba uu yahay Sarkaalada kan midka ugu sareeyo wuuna guuleesan doonaa Sheikh Axmed Insha aAlaah " Oday Xasan Aweys .

Hogaamiya Mucaaradka Xasan Aweys ayaa maanta si kulu u weerary Al-Shabab asigoo ka hadlay khilaafyada iyo qaraxyadii ugu danbeeyay ee malmahani ka socday Muqdishow axa uuna tilmmay in ay hatan ku hoolanyihii xalintooda .

Ugu danbeentii Xasn Daahir ayaa hadaladiisa ayaa u muuqaday mid lid ku ah Shabab kuwaasi oo u badnaa in uu dhaliilay ku biiritaanka Shabab Xasan Turki iyo Amaanta Axmed Madoobe oo uu ku tilmaamay hogaamiyaha ugu sareeya Xisbul Islaam .

Written by Diirad News Desk-Somalia