|
AMISOM oo Saldhig cusub sameystay |
|
|
|
|
Friday, 05 March 2010 14:04 |
|
Ciidamada Amisom ayaa barqanimadii maanta fariiismo cusub ka sameystay Isbitaalkii Xooga ee degmada Hodan, iyadoo halkaas iska hor imaadyo culus ay ka dhaceen. Ciidamada Amisom oo wata Dabaabad ayaa saaka galay halkaas, iyadoo iska hor imaadyo ay kala hor yimaadeen Kooxaha mucaaradka oo doonayay in ay ka hor tagaan is ballaarinta Ciidamada Amisom. Wararka qaar ayaa sheegaya in fariisinka Ciidamada Amisom uu ka dambeeyay kadib markii halkaas ay isaga soo baxeen Ciidamada dowladda oo la sheegay in ay gadood sameeyeen, inkastoo saraakiil u hadashay dowladda ay beeniyaan. Dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aan kala go' laheyn ayay Ciidamada Amisom maanta ka sameynayeen wadada Maka Al-Mukarama ilaa Isgoyska KM4, iyadoo fariisinka cusub uu yahay mid ay Ciidamada Amisom kaga hortagayaan weerarada lagu soo qaadayo Isgoyska KM4. Ciidamada Amisom ayaa goobta ay maanta fariisinka ka sameysteen ay aheyd mid todobaadyadii u dambeeyay dagaalo ka dhacayeen, waana sababta kaliya ee keentay in ay soo degaan halkaas. Fagaaraha Tarbuunka ayaa sidoo kale waxaa ku sugan Ciidamada dowladda, kuwaasoo dhiira gelin ka helaya Ciidamada Amisom ee maanta soo degay Isbitaalkii Xooga, oo ah goob istiraatiiji u ah ciidamada marka ay timaado weeraro kooxaha mucaaradka ku soo qaadaan wadada Maka Al-Mukarama oo ah wado ay isticmaalaan Mas'uuliyiinta dowladda
|
|
Written by Diirad News Desk-Somalia
|