updated on:

Wednesday, February 1 2012

News   Warka  
Camaara iyo Bacadweyn oo cabsi kajirta PDF Print E-mail
Friday, 05 March 2010 13:06

Xaalada deegaanada Camaara iyo Bacaadweyn oo ka tirsan Gobolka Mudug ayaa iminaka degan ka dib dagaalo faraha loogaga gubtay oo shalay ilaa iyo xalay halkaasi ka dhacay.

Dagaaladaasi oo u dhaxeeyey maleeshiyo beeleed isku heyb ah ayaa waxaa ay salku ku hayaan aano qabiil iyo dhul labada dhinac uu midba sheeganyo oo ku yaalo deeganadaasi oo hoos yimaado degmada Xarardheere.

Xaalada deeganadaasi ayaa haatan xasiloon,inkastoo wali ay is hor fadhiyaan maleeshiyaadka labada dhinac.

Maxamuud Jaamac Maxamed oo ka mid ah dadka deegaanka oo warbaahinta u waramay ayaa ka deyriyey xaalada,waxaana uu ugu baaqay odayaasha labada dhinac ee ku sugan dalka iyo dibadiisa in ay u tafa xeytaan sidii ay u kala dhex gali lahaayeen labadan beel.

Dagaal shalay ku dhex maray maleeshiyaada labada dhinac ayaa waxaa ku geeriyootay 13 ruux halka ay ku dhaawacmeen 30 kale oo labada dhinac ah.

Dhaawacyada labada dhinac ayaa waxaa la kala geeyey cisbitaalka koonfurta Gaalkacyo iyo cisbitaalka degmada Xarardheere wilina waxaa taagan shaki iyo colaad dib u hurinkarta dagal kale.

Diirad News Desk
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Written by Diirad News Desk-Somalia