updated on:

Wednesday, February 1 2012

News   Warka  
Gudoomiyaha cusub ee loo magacaay g/jubooyinka oo codsaday in latageero maamulkiisa PDF Print E-mail
Friday, 05 March 2010 09:04

Abuukar Cali Aadan oo ah  Gudoomiyaha Cusub ee Shalay gelinkii Danbe loo magacaabay Gobollada Jubooyinka ayaa saaka waxa uu codsi u soo jeediyay shacabka reer kismaayo isagoo si gaar ah ula hadlayay Odoyaasha, Waxgaradka, ganacsatada, Aqoonyahannada iyo Culumaa’udiinka ku dhaqan gobollada jubooyinka waxa uuna  gudoomiyuhu  codsaday in ay taageero la garab istaagaan maamulka cusub.

Gudoomiyaha gobollada jubooyinka ee xarakada alshabaab Abuukar Cali Aadan oo saaka dadweeynaha reer kismaayo kala hadlayay idaacada ku hadasha afka maamulka ee ka howlgasha gudaha  magaalada kismaayo ayaa waxa uu shacabka ka ballan qaaday in uu si daacad ah ooh agar la’aan ah ugu shaqeyn doono xilka ay u dhiibteen, isagoona sheegay in gobollada jubooyinka uu ku soo kordhin doono horumar la taaban karo.

Sidoo kale Sheekh Mukhtaar Roobow Abuumansuur iyo Sheekh Xuseen Cali Fiidow oo iyagu mudooyinkii danbe ku sugnaa magaalada kismaayo ayaa iyaguna waxa ay codsi kaa lamid ah u direen shacabka reer kismaayo iyagoona ka codsaday in ay taageeraan Maamulka sidii ay horeba ugu taageeri jireen maamulladii islaamiga ahaa ee kan ka horeeyay, waxaana Masuuliyiintaasi ay ballan qaadeen in aysan marnaba ka hor imaan doonin Shacabka iyo maamulka ayagoona sheegay in maamulku uu ku shaqeyn doono qaabkii ay shacabka u kasban lahaayeen.

Isku soo wada duuboo maamulka cusub ee la shalay looga dhawaaqay gobollada jubooyinka ayaa waxa uu imaanayaa xilli cabasho ballaaran ay kasoo yeereyso shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo gaar ahaanna ganacsatada reer kismaayo kuwaasi oo codsanaya in loo fasaxo goobihii ay ku ganacsan jireen ee uu hore u burburiyay Maamulka la badalay ee xarakada alshabaa

Maxamed Barre
Kismaayo Soomaaliya

Diirad News Desk
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Written by Diirad News Desk-Somalia