|
Masjid lagu dikrinayo oo Bam lagu ganay |
|
|
|
|
Friday, 05 March 2010 07:27 |
|
Kooxo bam baanooyin ku hubeysan ayaa xalay qarax culus ku weeraray masjid kuyaalo Degmada Goldogob ee Gobolka Mudug halkaasi oo ay kudikrinyeen Culumaa’udiin ka tirsan Ahlusunna waljameeca .
Inta la ogyahay 5-qof oo shacab iyo culumaa’idiin ka tirsan Ahlusunna Waljameeca ayaa ku dhaawacmeen qaraxaasi xalay lagu weeraray masaajidkaasi oo xiligaasi ka socotay xadro digri ah oo ay habeen kasta oo Jimco soo galaysa ku digriyaan Culumaa’udiinkaasi.
Ciidamada maamulka Degmada Godogob oo soo gaaray goobta ayaa sugeen amaanka waxayna bilaabeen in ay baaritaano ka sameeyaan halkaasi.
Dhaawacyada ayaa loo qaaday isbitaalka Degmada oo haatan lagu dawaynayo, mana jiraan cid sheegatay mas’uuliyada weerarkii qarax xalay lagu qaaday masaajidkaasi.
Maxamad Mursa oo ah Guddoomiyaha Degmada ayaa sheegay in qaraxaasi la dhigay goob aan sidaa uga fogayn masaajidka, qaraxana laga maqlayay xaafado badan oo ka mid ah Degmada Godogob ee Gobolka Mudug.
Sidoo kale guddoomiyaha ayaa ugu baaqay maamulada Puntland iyo Galmudug in ay ka qeyb qaataan sugida Amaanka iyo xaqiijinta goobaha lagu aaso miinooyinka ama ay ku jiraan miinooyin hore oo xiligii xukuumadii dhexe dalka ka baxday kadib.
Ma ahan markii ugu horaysay qarax la mid ah kan oo kale ka dhaco deegaano ka tirsan Gobolka Mudug isla markaana ka dhashaan qasaarooyin kala duwan.
|
|
Written by Diirad News Desk-Somalia
|