| Cudurka shuban biyoodka oo faro kulul ku hayo G/sh/hoose |
|
|
|
| Friday, 05 March 2010 07:03 |
|
Caruurtan uu soo ritay Cudurkaasi shuban biyoodka ayaa gabi ahaanba waxa ay da’doodu ka hooseysaa 5-ta sano sida uu Diirad.com u sheegay mid kamdi ah dadka ku dhaqn degaankaasi Cumar Beere oo karisan gobalka shabeelada hoose Sido kale deegaanda sida weyn uga dilaacay Cudurka Shuban biyoodka ayaa waxa uu kamid yahay deegaanada sida aadka ah uga fog biyaha Wabiga Shabelle ee dhax maro qeybo kamid ah gobalkaasi shabelada hoose Dadka ku dhaqan degaankaasi lagu magacaabo Cumar Beere ayaa noloshoodu waxa ay ku saleysantahay dhanka wax soo saarka, waxaana la xaqiijiyay in 3-dii sano ee ugu dambaysay in deegaankaasi uusan helin Roobab ku filan taasi oo saameyn xoogan ku yeelatay nolosha dadka degen halkaasi. Isku soo wada duuboo Cudurkan Shuban biyoodka ee ka dilaacay deegaanka Cumar Beere ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli inta badan ay isasootareyso qeylo dhaanta la xiriirta Cudurka Shuban biyoodka ee ka imaanaysa deegaano dhowr ah oo ku xeeran degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose. |
| Written by Diirad News Desk-Somalia |










Sida ay sheegayaan wararka laga helayo deegaanka Cumar Beere oo kamid ah deegaanada hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa waxa lugu soo waramayaa in deegaankaasi uu si weyn uga dilaacay Cudurka Shuban biyooadka oo isagu faro kulul ku hayo caruurta dadoodu kahooseso shanta sano waxaan lasoo sheegayaa in 24-kii saac ee ugu dambeeyay uu soo ritay Cudurkaasi ilaa iyo 12-caruur yar yar ah
Qeybi Maqaalkan