|
Wasiir ku xigeenadii la magacaabay |
|
|
|
|
Thursday, 13 December 2012 15:38 |
|
Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta magacaabay 20 wasiir ku-xigeen iyo 5 wasiiru-dowle.
Xubnaha cusub waxaa ku jira xubno horey jagooyin uga soo qabtay xukuumadihii ku-meel-gaarka ahaa.
Wasaarad kasta ayaa yeelatay labo wasiir ku xigeen.
Wasiir ku xigeennada cusub
- Wasiir ku xigeennada wasaaradda arrimaha dibedda: Injineer Maxamed Aadan Axmed iyo Jamal Maxamed Boorow
- Wasiir ku xigeennada wasaaradda arrimaha gudaha: Xasan Ibraahim Maxamed iyo Jaamac Axmed Maxamed
- Wasiir ku xigeennada wasaaradda maaliyadda iyo qorshaynta: Maxamed Xasan Aadan iyo Abuukar Xasan Cali
- Wasiir ku xigeennada wasaaradda horumarinta adeegga bulshada: Bashiir Maxamed Jaamac iyo Maxamed Macallin Yaxye
- Wasiir ku xigeennada wasaaradda cadaaladda iyo diinta: Fahmo Axmed Nuur iyo Xasan Maxamed Jimcaale
- Wasiir ku xigeennada wasaaradda howlaha guud, gaadiidka iyo dib u dhiska: Nadiifo Maxamed Cismaan iyo Cali Sheekh Maxamed Nuur
- Wasiir ku xigeennada wasaaradda khayraadka: Siciid Xasan Cismaan iyo Cabdiraxmaan Maxamed Geeddi
- Wasiir ku xigeennada wasaaradda gaashaandhigga: Axmed Maxamed Maxamuud iyo Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi
- Wasiir ku xigeennada wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha: Cabdiqaadir Sheekh Ismaaciil iyo Maxamed Cali Xagaa
- Wasiir ku xigeennada wasaaradda warfaafinta iyo isgaarsiinta: Cabdishakuur Cali Mire iyo Ibraahim Yarow Isaaq
Wasiiru dowlayaasha
- Wasiiru dowlaha xafiiska madaxtooyada, Faarax Sheekh Cabdiqaadir Maxamed
- Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda, Dr. Maxamed Nuur Gacal
- Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, Mahdi Maxamuud Cali.
- Wasiiru dowlaha wasaaradda maaliyadda iyo qorshaynta, Maxamed Rashiid Sheekh Daahir.
- Wasiiru dowlaha wasaaradda horumarinta adeegga bulshada, Maxamuud Ismaacil Barqadle.
|
|
Written by Diirad Desk
|