updated on:

Sunday, September 15 2013

News   Warka  
Niuur Cade oo dowladu eedeeyay ku eedeysay hanti boob PDF Print E-mail
Tuesday, 11 December 2012 09:51

Baryahan waxaa ay Soomaalida isla dhexmarayeen buuq xoogan oo u dhaxeeya dhawaan sida la sheegay in la kireeyay Safaaradii Talyaaniga ay Soomaaliya ku laheyd, iyadoo talaabadaasina uu horey u shaaciyay Safiirka Soomaaliya ee Talyaniga Md. Nuur Cade.

Hadaba maanta kulankii Baarlamaanka ee ay hortagtay wasiiradii Arrimaha dibada Fowsiya Aaden oo waxyaabo badan waxlaga weydiiyay ayaa laga wareystay waxa ay ka ogtahay kireynta Safaaradii Soomaaliya ee Talyaaniga, hadaba iyadoo iska fogeyneysa in ay arimahaasi waxka ogtahay iyo in kale ayaa sheegtay in aan loo dul qaadan doonin in la boobo hantidii Qaranka, taas oo noqoneysa cida boobkaasi sameysay eedeeda uu dusha u ridanaayo Ambashatoor Nuur Cade.

Sida uu horey u sheegay Danjire Nuur Cade in arimahaani ay ahaayeen daruufo jira awgeed in safaarada kiro la galsho maadaama aanan laheyn dhaqaale lagu dayactiro oo ay Soomaaliyna 20-kii sano ee ay burburka ku jirtay uu ahaa gurigaasi mid ay qaxooti daganaayeen.

Hadaba hadalkan kasoo yeeray Wasiirada arimaha dibada ayaa laga yabaa inuu qilaaf horleh ka dhex abuuro Madaxweynaha iyo wasaaradaasi maadaama sida aanu wararka ku heleyno ee hoose waxaa arintan horey loola socodsiiyay Madaxweynaha balse mowqifka dhabta ah weli masoo bixin ee dowladda ee ku aadan Safaarada Talyaaniga

Written by Diirad Desk