updated on:

Sunday, September 15 2013

News   Warka  
Baarlamaanka oo dalbaday in la horkeeno miisaaniyada Dawlada PDF Print E-mail
Monday, 10 December 2012 22:29

hadleen qodobo badan  oo ay ka mid tahay in dowlada sidii dib loogu dhisi lahaa xaruntii barlamaankii hore iyo in ay dowlada soo hor dhigto miisaaniyada ay ku shaqeyneyso inta uusan xirmin fadhiyada ay baarlamanka yeelanaayaan oo ka horsan inta ka dhiman Bishan.

Sido kale maanta ayaa lagu waday in ay barlamaanka hor timaado wasiirada arimaha dibada Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Adan oo ay barlamaanka horay u sheegeen in ay rabaan in ay weydiiyaan su’aalo ku saabsan safaarada soomaaliya ee Roma taasi oo la sheegay in la kireey  faahfaahina  laga siiyo baarlamaanka.

Balse maanta ma suurto galin in wasiirada ay baarlamanka hor imaado shir muhiim ah oo ay gudoomineysay kana dhacayay Airoborka muqdisho  waxaana uu gudoonka baarlaamka Jawaari uu sheegay in ay wasiirada ay cudur  daaratay  balse ay baarlaamka ka sugayaan in ay qoraal ku soo gudbiso waxyaabaha kalifay in la kireeyo safaarada soomaaliya ee taliyaaniga.

Xili sii horeeyay ayay aheyd markii ay xubno ka tirsan baarlaamka ay dalbadeen in wasiirada gaashaandhiga iyo arimaha Dibada ay hor yimaadaan barlamaanka si su’aalo loo weydiiyay walina ma dhicin in midkood uu baarlamaanka hor yimaado .

 

Written by Diirad Desk