updated on:

Sunday, September 15 2013

News   Warka  
Dowladda oo Jowhar booqatay PDF Print E-mail
Monday, 10 December 2012 22:24

Wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdixakiin Xaji Maxamuud Fiqi ayaa maanta booqday magaalada Jowhar ee xarrunta gobolka Shabellaha Dhexe, halkaas oo ay shalay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM kala wareegeen maleeshiyada al-Shabaab.

Wasiirka oo ay booqashada ku wehliyeen taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini iyo saraakiil ciidan oo kale ayaa u kuur-galayay xaaladda magaalada Jowhar, waxaana wasiirka uu ugu hambaliyeeyay ciidamada guusha ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab.

Wafdiga wasiirka ayaa kulan la yeeshay saraakiisha ciidamada dowladda iyo AMISOM, waxayna ka wada hadleen arrimaha ammaanka magaalada.

Cabdixakiin Xaaji Maxamuud (Fiqi) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgallada ka dhanka ah al-Shabaab ay sii socon doonaan, isagoo AMISOM uga mahad celiyay taageerada nabadgaliyada iyo howlgallada ee ay siiso dowladda.

Written by Diirad Desk