updated on:

Sunday, September 15 2013

News   Warka  
Sharif oo ku dhawaqaya Mamul goboleed cusub PDF Print E-mail
Thursday, 06 December 2012 11:52

Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xassan Sheekh Aaden ayaa la filayaa in uu dhawaan soo bandhigi doono maamul goboleed cusub oo ay baryahan wadeen oo looga dhawaaqayo afar gobol oo dhaca Koonfurta Soomaaliya.

Shariif Xassan oo haatan ku sugan dalka Kenya ayaa kulamo la leh odayaasha iyo siyaasiyiinta kasoo kala jeeda Bay iyo Bakool, Shabeelaha Hoose iyo Gedo, waxaana la filayaa kulamadooda oo haatan maraya heer gabo gabo ah ayaa laysku raacay in maamul wada jira loogu dhiso 4-taas Gobol.

Hadaba arrintan ku dhawaaqisteeda oo la filaayo in isbuucada dambe ay noqon doonta ayaa si rasmiya magaca iyo cida hogaamin doonta looga dhawaaqi doonaa gudaha Soomaaliya iyadoo uuna horboodaayo rugcadaaga siyaasiga ah Shariif Xassan.

 

Written by Diirad Desk