updated on:

Sunday, September 15 2013

News   Warka  
Itoobiya oo Eritereya ku edeysay taageero ay siiso Alshabab PDF Print E-mail
Thursday, 06 December 2012 11:38

Raysal wasaaraha Itoobiya Haila Mariam Deseglen ayaa mar kale dowlada Eritrea ku eedeyay inay taageerosiiso dagaalyahanada islaamiyiinta ee ka dagaalama Soomaaliya ee Al-Shabaab xiriirkana la leh urur weynaha Al-Qaa’ida.



Hayla Mariam ayaa hadalkaan jeediyay xili uu u waramayay warbaahinta ka howlgasha dalka Itoobiya,waxa uuna carabka ku dhuftay Raysal wasaaraha itoobiya Haila Mariam Deseglen in wali ay muuqato doorkii dowlada Eritrea ay ku leedahay sii socoshada dagaalada ay wadaan dagaalyahanada Al-Shabaab oo taageero Melitari iyo mid maaliyadeedba ka hela Eritrea.

Waxa uu sheegay Raysal wasaaraha Itoobiya jiritaanka taageerida ay siineyso Eritrea Al-Shabaab si ay u sii socdaan dagaalada ka socda Soomaaliya ee u dhaxeeya Al-Shabaab iyo ciidamada dowlada Soomaaliya oo garab malitari ka helaya AMISOM.

Eritrea waxay wali sii hurineysaa colaada ka taagan wadanka geeska Africa ku yaala ee Soomaaliya waxayna si hoose aan daah furneyn u sii wadaan caawinta Al-Shabaab oo horayba loogu eedeyay,sidaasi waxaa yiri Haila Maryan.

Sidoo kale Raysal Wasaaraha Itoobiya oo hadalkiisa siiwata ayaa intaasi waxa uu raaciyay in dowlada Eriteriea ay door weyn ku leedahay dagaalada ka socda Soomaaliya iyadoo ka gadaal ka riixeysa islaamiyiinta dalka Soomaaliya soo maray ayuu yiri Haila Maria oo ku dheeraaday ka hadalka kaalinta Eriteria ay ka qaadatay dagaalada aafeeyay dalka Soomaaiya.

Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in Eriteria ay dooneyso inay dib ugu biirto urur Goboleedka IGAD oo horay kaga mid ahaan jirtay laga saaray sanado ka hor kadib qaraar ka soo baxay qaramada Midoobay oo ku aadanaa in Eriteria ay taageerayso kooxahii islaamiyiinta ee wadanka soo maray iyo wali tan haatan taagan ee Al-Shabaab.

Written by Diirad Desk