| Degmada Kaxda oo Haweeney lagu dilay |
|
|
|
| Thursday, 06 December 2012 11:34 |
|
Waxa uu shegay gudoomiyaha In xalay Ay gudaha Degmada Kaxda kooxo dareeska ciidamada ku labisan aya ku dileen haweeney uurleh. “ Waxa ay isku dayeen iney kufsadaan haweneyda Uurka leheyd markii ay ka diiday ayeyna rasaas ku dhufteen , Dareska ciidamada ayey wateen , Xitaa waxa ay dhac u geysteen goobo ganacsi oo degmada ku yaal” Ayuu Yiri gudoomiyaha isagoo u wararmayay Idaacada Dalsan. Wax uu intaas ku daray iney ku raad joogaan sharcigana ay la tiigsan doonaan kooxahaasi Amaan darida ka abuurayo gudaha Degmada. Hadalka Gudoomiyaha degmada Kaxda C/wali Yusuf ayaa ku soo beegmeysa xili xalay ay falal amaan dari ah oo ay haweney uur leh ay ku dhimatay goobo ganacsina dhac loo geystay. |
| Written by Diirad Desk |











C/wali Yusuf Cumar Gudomiyaha Degmada Kaxda ee Gobolka Banadir ayaa ka warbixiyay Falal xalay ka dhacay gudaha Degmadaasi.
Qeybi Maqaalkan