updated on:

Sunday, September 15 2013

News   Warka  
Abu muscab ‘ waan sii wadi doonaa dagaalka Puntland ‘ PDF Print E-mail
Thursday, 06 December 2012 11:23

iyadoo maalinimadii shalay aheed markii ciidadmo ka tirsan kuwa maamulka Puntland lagu dilay qaybo kamid ah degaanada ay maamulkaasi ka taliyaan , ayaa waxaa arinkaasi ka hadlay maamulka xarakada Al-shabab oo sheegay inay iyago ka dambeeyeen dilkaasi loo geestay askartaasi.

Afhayeenka dhinaca howlgalada ee xoogaga Al-Shabaab Shiikh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in ay dileen ciidamadaasi isagoona intaasi ku daray inay sii wadi doonaan dilalaka iyo bartilmaameedsiga ciidamadaasi.

Abuu Muscab ayaa sheegay in dagaalkaas uu ahaa mid ay iyagu qaadeen ayna degaanka Suggure ku laayeen ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo gaaraya illaa 30 askari, isagoo xusay in dhinacooda ay ka shahiiday afar nin sida uu warka u dhigay.

“Mujaahidiinta waxaa u suuragashay iney la wareegaan saldhigii maamulka ashahaado la dirirku ku lahaayeen degaanka Suggure halkaasi waxay ka soo qaateen qaniimooyin badan, oo isugu jira hub kala duwan” ayuu intaa ku daray Abuu Muscab oo intaa ku daray in dagaalkaas uu bilow u yahay howlgal ay xididada ugu siibayaan maamulka Puntland.

Written by Diirad Desk