updated on:

Sunday, September 15 2013

News   Warka  
Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Baaq U Diray Ajaanibta Shabab Ku Jira PDF Print E-mail
Wednesday, 28 November 2012 19:05

Madaxweynaha dawlada Soomaaliya Prof Xasan Shiikh Max’ud oo saxaafadda kula hadlay magaaladda Addis-Ababa ee xarunta dalka Ethiopia oo uu maanta gaaray ayaa waxaa uu ugu baaqay dagaalyahanada al-Qacida ee aan Soomaalida aheyn ee ka bar bar dagaalama Xarakadda Al-Shabab inay dalka ka baxaan si u nabad galaan.

M/weynaha Soomaaliya waxaa uu sheegay in hadda sida muuqata ay awooda Al-Shabaab baa’baday isla markaana uu digniin kama dambeys ah u dirayo xubnaha aan Soomaalida aheyn ee Al-Shabab ka garab dagaalama sid ay ku waramayaan warbaahinta dalka Ethiopia.

“Wax xiriir iyo wanaag ah oo naga dhaxeeya ma jiraan ajaanibta waxa kaliya ee aan uga baahanahay waa inay dalka nooga tagaan” ayuu yiri M/weynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Shiikh waxaa uu sidoo kale tilmaamay in ciidamada dawlada ay wadaan hawl galo ay dalka ku xasilinayaan taasna ay uga mahadnaqayaan midawga Africa iyo wadamada kale ee caawiya.

M/weynaha Soomaaliya oo ay markii ugu horeysay u tahay booqashada uu Ethiopia ku joogo tan iyo markii la doortay ayaa waxaa uu la kulmi doonaa madax African ah.

 

Written by Diirad Desk