| Gudoomiyaha Ganacsatada Bakaraha oo la toogtay |
|
|
|
| Monday, 26 November 2012 07:17 |
|
Wararku waxay sheegayaan in koox baastoolado ku hubaysan ay marxuumka ku weerareen xafiiskiisa, kaddibna ay halkaasi ku dileen isaga iyo nin ilaalo u ahaa. Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay durba goobta gaareen si ay u baaraan sida ay wax u dheceen, isla markaana dabagal loogu sameeyo kooxda weerarka gaysatay. Lama oga cidda weerarka gaysatay, in kastoo weerarrada noocaan ah inta badan la tuhmo inay gaystaan maleeshiyada al-Shabaab oo Muqdisho ka baxday billowgii bishii August ee sanadkii hore. |
| Written by Diirad Desk |











Koox hubaysan ayaa saaka toogasho ku dishay guddoomiyihii ganacsatada suuqa Bakaraaha ee magaalada Muqdisho Axmed Nuurre Ow Diini.
Qeybi Maqaalkan