| Safarada UK ee Soomaaliya oo dhul lasiiyay |
|
|
|
| Wednesday, 21 November 2012 16:50 |
|
Safiirka Britain u qaabilsan Soomaaliya Matt Baugh iyo waftiga uu horkacayo ayaa waxaa ku soo dhoweeyay xarunta Villa Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuuud.
Matt Baugh Safiirka cusub ee britan ayaa sheegay inuu aad ugu farxay in lagu wareejiyay dhula safaaraddu ay ku yeelan doonaan Soomaaliya. Sidoo Kale madaxweynaha ayaa ugu baaqay dalalka kale ee beesha caalamka inay safaaradahooda ka furtaan Soomaaliya, isagoo sheegay inuu soo dhoweynayo dal kasta oo doonaya inuu xiriir caalami la sameysto Soomaaliya.
Maalintii shalay ayaa waxey aheyd markii Villa Soomaaliya lagaga aqbalay warqadahiisa Safiirnimo, Safiirka cusub ee Australia usoo magacawday Soomaaliya, waxaa soo kordhayo dalalka doonayo in ay ka furtaan saafarado rasmi ah Soomaaliya.
|
| Written by Diirad Desk |











Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wafdi ka socday waddanka Britain ku wareejiyay dhulkii ay ka dhisan lahaayeen safaaraddooda cusub ee caasimada Muqdisho.
Qeybi Maqaalkan