| Amb.Amerika oo ka hadlay Islii dhibka ka taagan |
|
|
|
| Monday, 19 November 2012 21:28 |
|
Danjire Maxamed Cali Nuur oo la hadlay warbaahinta markii uu ka soo baxay kulamo uu la lahaa saraakiisha booliska Kenya ayaa sheegay in uu ka codsaday sidii ciidamo dheeraad ah loo geyn lahaa xaafadda Islii si loo ilaaliyo nolosha iyo hantida dadka Soomaalida ah. Kooxo Kenyan oo ka caraysan qaraxii shalay lala eegtay bas ay la socdeen dadka rayid ah ayaa boob iyo weerar u gaystay Soomaali ku nool xaafadda Islii, waxaana falalkaas ka dhashay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Danjiraha ayaa sidoo kale sheegay inuu saraakiisha booliska Kenya kala hadlay sidii loo sii dayn lahaa dadka Soomaalida ah ee howlgalka lagu soo qabtay, kuwooda aan dembiyada gelin. Dhinaca kale, shir jaraa’id oo ay Nairobi ku qabteen culimaa’uddiin Soomaaliyeed ayay ku cambaareeyeen weerarkii shalay lagu qarxiyay baska ay dadweynuhu saarnaayeen iyo weerarradii dilka iyo boobka isugu jiray ee loo gaystay Soomaalida Islii. Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul oo ka mid ah culimaa’uddiinka shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in dadka fuliyay falka aragaxiso ujeedkoodu uu ahaa in ay iska hor keenaan dadka kala aaminsan diimaha Islaamka iyo kiristaanka iyo dadka kala qowmiyadaha ah. |
| Written by Diirad Desk |











Danjiraha Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa booqday saldhigga booliska ee Pangani oo ay ku xiran yihiin dad Soomaali ah oo xalay laga soo qabtay xaafada Islii oo howlgal ay ka sameeyeen ciidanku.
Qeybi Maqaalkan