updated on:

Sunday, September 15 2013

News   Warka  
Safaarado badan oo la tirtiraayo Soomaaliya PDF Print E-mail
Saturday, 17 November 2012 13:38

Waxaa dhawaan la qorsheynayaa in isbadalo xoogan lagu sameeyo safaaradihii ay Soomaaliya Caalamka ku laheyd, kuwaas oo hoos u dhac weyn oo uu ku iman doono baahidii ay dabooli jirtay safaaradaha ay ku nool yihiin  dhibane yaal Soomaaliya oo ay Safaaradu shaqooyin kala gedisan u qaban jirtay.

Sida caada'da ah xukumad kastaa markay timaado dalka Soomaaliya waxaa isbadalo xoogan uu ku yimaadaa kala badalista Safiirada, balse haatan taasi waa ay ka gedisan tahay xaalka, Xukumadan cusub ayaa durba bilowday wadatashiga qorshooyin hoos loogu dhigaayo ama la baabi'inaayo inta badan Safaaradihii Soomaaliye ee Caalamka.

Sida ilaa iyo hada aanu xogta ku heleyno waxaa Safaaradaha tiradooda lagu soo koobidoonaa ilaa 12 Safaaradood waxka yar, waxaana shaxda cusub ee safaaradaha qaarkood ay noqonayaan sidan:

1) Yurub

2) Qaahira

3) Sacuudiga

4) Emaaraadka

5) Qatar

6) Washington

7) Kenya

8) Itoobiya

9) Uganda

10) Shiinaha

11) Qaramada Midoobe(UN)

Hadaba, dalalka ay seeftu mari doonto ayaa waxaa ka mida Suudaan, South Afrika, Liibiya, Talyaaniga iyo qaarkale oo badan, sida la filayo wareegtada rasmiga ah ayaa la dhowrayaa dhawaan iyadoo sidoo kale dalalka la qorsheynayo in safaaraduhu ay ka shaqeeyaana la filayo in  loo magacaabi doono shaqsiyaad cusub oo aan aheyn kuwa haatan xilalkaas Safiirnimo ku howlgala.

Wixii warar kale ah ee ku saabsan filo.

 

Diirad News Desk

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Written by Diirad Desk