| Madaxweynaha Soomaaliya oo hambalyo u diray Shiinaha |
|
|
|
| Saturday, 17 November 2012 13:17 |
|
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in hoggaanka cusub ee China uu sii ballaarin doono kororka dhaqaalaha dalka China oo ah dalka labaad ee ugu dhaqaalaha weyn adduunka. Wuxuu rajo ka muujiyay inuu hoggaanka cusub adkeyn doono xiriirka China iyo Soomaaliya. Xi Jinping ayaa ku guulaystay inuu noqdo Xoghayaha Guud ee xisbiga Shuuciga ah ee talada dalka haya, isagoo hoggaamin doona dal dadkiisu dhan yihiin 1.3 bilyan |
| Written by Diirad Desk |











Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Xi Jinping oo loo doortay inuu noqdo hoggaamiyaha cusub ee dalka China.
Qeybi Maqaalkan