updated on:

Sunday, September 15 2013

News   Warka  
Golaha wasiirada cusub oo maanta ladhaariyay PDF Print E-mail
Thursday, 15 November 2012 15:03

Golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya ayaa maanta lagu dhaariyay magaalada Muqdisho ka dib markii dhowaan ay meel mariyeen mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Munaasabada Dhaarinta ayaa waxaa ka qaybgalay qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya iyo waliba Raysal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon.

Waxaa dhaariyay xubnaha golaha wasiirada ee xukuumada Soomaaliya gudoomiyaha Maxkamada sare ee Soomaaliya Abuukaate Caydiid ilka xanaf.

Dhaarinta kadib ayaa Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya oo goobta ka hadlay waxa uu sheegay in maanta uu ka dagay culeys weyn Baarlamaanka Soomaaliyeed maadaama ay ansixiyeen Mudanayaasha Baarlamaanka Golaha Wasiirada maanta loo dhaariyay Xilkooda.

Qaar kamid ah Wasiirada Cusub ee Xukumada Soomaaliya oo goobta kahadlay ayaa waxa kamahad caliyeen sida ay maanta wax u dheceyn iyagoona taa ku tilmaamay guul.

Xukuumada Cusub ee Raysal wasaare Cabdi Faarax shirdoon ayaa haatan waxaa u taala howl adag taasi oo ay ka mitahay ladagaalanka musuq maasuqa iyo waliba wax ka qabashada amaanka.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa horay wuxuu u balan qaaday in xukuumadiisa ay wax badan ka qaban doonto amaanka iyo waliba sidii ay shacabka Soomaaliyeed isugu keeni lahayd.

 

Written by Diirad News Desk-Somalia