| Maxamed Dheere Oo Muqdisho Ku Geeriyooday |
|
|
|
| Thursday, 15 November 2012 11:03 |
|
Maxamed Dheere ayaa maalmihii u danbeeyay waxa uu ku xanuunsanayay isbitaal ay leeyihiin ciidamada AMISOM oo ku yaal Xalane. Geerida marxuumka ayaa waxaa noo xaqiijiyay C/fitaax Shaaweey, oo ay mar isla soo shaqeeyeen. Maxamed dheere ayaa waxa uu xilal kala duwan kasoo qabtay wadanka Soomaaliya isagoona mar soo noqday gudoomiyaha Shabeelada Dhexe, sidokale waxa uu mar soo noqday duqa magaalada Muqdisho xiligii C/laahi Yuusuf. |
| Written by Diirad News Desk-Somalia |











Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ku geeriyooday gudoomiyihii hore ee G/banaadir Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere.
Qeybi Maqaalkan