updated on:

Sunday, September 15 2013

News   Warka  
Zlatan 4 England 2 PDF Print E-mail
Thursday, 15 November 2012 07:30

Ciyaar aad uxamaasad badneyd ayaa xalayw axay dhexmartay labada xul ee Sweden iyo England, ciyaartan ayaa waqtigii loogu talo galay waxay kusoo dhamaatay 4/2 oo ay guusha ku raacday xulka Sweden.

Shaki kuma jiro in xidigii garoonka ee xalay uu ahaa Zlatan Ibrahimovic, oo xulka 3-da libaax kadhaliyay 4 gool, waxaana ugu qurux badnaa goolka 4-aad kaasoo kasheekeeyntiisa saxaafada iyo calamknaba ay maalmaha soo socda oo dhan hadal hayn doonaan.

Xulka Sweden ayaa goolka ku hormaray daqiiqadii 20-aad, waxaana goolkaas usaxiixay xidigii xalay Ingiriiska duugay ee Zlatan, laakiin Xulka England ayaa iska soo barbareeyay goolka daqiiqadii 35-aad waxaana usaxiixay xidiga shayaadiinta cas cas ee Welbeck,  sadex daqiiqo kadib ayayna ingiriisku layimaadeen goolka labaad, waxaana qaybta koowaad lagu kala nastay 2/1 oo ay ingiriisku ku hogaaminayaan Sweden.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayaa waxaa sixirkiisa lasoo baxay xidiga naadiga PSG Zlatan Ibrahimovic kadib markii uu soo bar bareeyay goolka xulkiisa lagu lahaa kadib wax yar ciyaarta markeey bilaabatay.

Daqiiqadii 85-aad ayuu Zlatan xulkiisa usaxiixay goolkisa 3-aad, goolkaan ayaa ahaa kubad Laad xor ah ama (Bulisyoon), dhamaadkii ciyaarta ayaa Ibra waxa uu xulkiisa usaxiixay goolkii 4-aad, goolkaasoo lagu tilmaamay inuu ahaay mid qiyaali ah aadna cajiib u ahaa, goolkaan ayuu Zlatan waxa uu ku dhaliyay nuuca Soomaalida utaqaano (Laba lugaateey) waxa uuna kasoo laaday meel aad uga foog goosha uu ilaalada ka ahaay Joe Hart.

Written by Diirad News Desk-Somalia