| Cumar Xamaami Oo Lagu Daray Liiska Dadka la doon doonayo |
|
|
|
| Thursday, 15 November 2012 07:19 |
|
Cumar Shafiiq Xamaami waxa looga gudaha Al-Shabaab “Abu Mansour al-Amriki”,, waa muwaadin Maraykan ah, waxa uu horrey ugu noolaa magaalada Daphne, ee Alabama. Wuxuu ku mid yahay xubnaha sida wayn u maalgaliya Al-Shabaab haddii ay ahaan lahayd tababar ciidan mid sahay. Al-Shabaab 26-kii February ee sannadkii 2008-dii ayaa Maraykanka wuxuu aqoonsaday koox argagixiso kaddib markii ay sheegtayn dhowr weerar. Xammami ayaa la sheegay in uu Soomaaliya u soo safray sannadkii 2006-dii, markaas oo koonfurta iyo bartamaha ay markaas ka arriminaayeen Midowgii maxkamada Islaamiga, laakin sannadkii 2007-dii ayuu ku biiray Al-Shabaab. Waxa markaas dalka ku sugnaa ciidanka Ethiopia, wuxuu ka mid ah dagaalyahanada shisheeye ee jiray qaybaha hore dagaalka, kaddibna hoggaamiye ayuu ka dhex noqday Al-Shabaab. Xammami ayaa la sheegay waxbarashidiisa dugsiga sare in uu kaga baxay Daphne High School, Kaddibna wuxuu galay Jaamacada Laakin 2007-dii ayuu ka mid noqday kooxaha argagixisada gaar ahaan kuwa dagaalama Soomaaliya.
|
| Written by Diirad News Desk-Somalia |











Warbixin ay soo saartay maanta oo Arbaca ah Hey’adda Mareykanka ee FBI-da ayaa lagu sheegay in Cumar Xamaami oo ka mid ah xubnaha sarsare ee ajaaniibta ee ka tirsan Al-Shabaab-ka Soomaaliya in lagu daray liiska kooxaha la doon-doonayo ee xiriirka la leh argagixisada.
Qeybi Maqaalkan