updated on:

Sunday, September 15 2013

News   Warka  
Wasiirka arimaha dibada Iiran oo maanta Muqdisho booqasho kuyimid PDF Print E-mail
Wednesday, 14 November 2012 17:41

Wasiirka arimaha dibadda Iiran Cali Akbar Saalixi, ayaa maanta oo Arbaco ah markii ugu horeesay waxa uu booqasho kuyimid magaalada Muqdisho.

Booqashada wasiirkan ayaa imaaneeysa xili amniga caasimada si weyn maanta loo adkeeyay, waxaana jidadka waaween sida kan Maka Al-mukarama lagu daadiyay ciidamo farabadan oo isugu jira kuwa Booliska, Nabad Sugida iyo Milatariga.

Wasiirka ayaa markii uu kasoo dagay garoonka Aadan Adde waxa uu halkaas kula kulmay masuuliyiin katirsan doowlada Soomaaliya, kadibna waxaa loo soo kaxeeyay aqalka madaxtooyada halkaasoo uu kulan kula qaatay madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Wasiirka arimaha dibada Iiraan Cali Akbar Saalixi ayaa mar uu warbaahinta kulahadlayay aqalka madaxtooyada waxa uu sheegay in booqashadiisa Muqdisho ay salka ku hayso sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada wadan {Soomaaliya iyo Iiiraan}.

Sidoo kale wasiirka waxa uu balan qaaday in xukuumadiisa ay diyaar u tahay in Doowlada Soomaaliya ay garab ka siiso dhinacyada dhaqaalaha iyo siyaasada.

Booqashadan maanta wafdiga Iiran kasocda ay ku imaadan Muqdisho ayaa noqoneeysa tan iyo markii ay isbadalada Siyaasadeed iyo kan amaanba  kadhaceen Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in Iiraan ay qayb ka ahayd doowladaha Islaamka ee Soomaaliya usoo gurmaday xiligii abaaraha 2011 ay ku dhufteen qaybo balaaran oo katirsan koofurta Soomaaliya.

Written by Diirad News Desk-Somalia